Mid ka mida Golaha wasiirada maanta la magacaabay ayaa laga soo xigtay inuu iska casilay xilkii loo magacaabay.
Wasiiru dowlahii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.
Wuxuu sheegay in sababaha uu isku casilay ay tahay in loo magacaabay xil aan u qalmin, isla markaana uu iska casilay xilkii ahaa Wasiiru dowlahii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.
Waa mas’uulkii ugu horeysay ee iska casila xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre soo magacaabay, waxaana la filayaa in xubno kale ay ku dhawaaqaan is-casilaadooda.
Wadani.com