Xubnaha labada gole ee fulinta iyo Baarlamaanka ugu jira Beelaha Jareerweyne ayaa Shan Qodob kasoo saaray oo shir ay ka yeesheen arrinta Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo dhacdadii 19 bishan August 2023 ee ka dhacdey xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa si gaara loogu falanqeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca geystay, waxaana laga soo saaray qodobo ku saabsan amniga, xoriyadda banaanbaxyada iyo burburinta hantida dowladda, waxaana warbaahinta u akhriyay Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy:
1- Waxaan si weyn uga xunnahay shaqaaqadihii dhacay, inagoo tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey, Ilaahayna uga baryeyna kuwa dhaawacmey inuu caafimaad buuxa siiyo.
2- Waxaan soo jeedineynaa in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdadan iyadoo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan.
3- Waxaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya laamaheeda amniga iyo garsoorka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraakiisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo daryeelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo.
4- Waxaan laamaha amniga ugu baaqeynaa inay tixgeliyaan xuquuqda xorriyatul qowlka iyo in shacabka loo oggolaado inay si nabad ah u dhigi karaan banaanbaxyo ama dibadbaxyo nabadeed.
5- Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay fikirkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah, ayna tixgeliyaan nabadda, xasiloonida iyo dhowrista shuruucda dalka iyo in laga dhowrsanaado burburinta hantida dowladda iyo tan gaarka ah.