Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la soo taagay laba nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Ururka Daacish, Garabkiisa K/Soomaaliya.
Eedeysaanayaasha kala ah: Xuseen Cali Maxamed Muudey (Suheyb) iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali (Qudaama) ayaa lagu xukumay 6 sano oo xabsi ciidan ah, iyadoo loo heysatay inay ka mid yihiin urur hubeysan oo sharci darro ah.
Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa Al-shabaab, waxa ayna sii doorteen in ay ku biiraan kooxda Daacish, iyagoo sheegeen inay jireen sababo dano shaqsi ah oo ku saabsan aar-gudasho iyo damac dhaqaale inay ugu biireen Daacish.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda oo ah min 6 sano oo xabsi ah.




![Xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Daacish oo xukun xabsi ah lagu riday [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2019/03/Daacish-xukun.jpg)