Ciidamada Amniga Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa qabtay 8 qof oo la sheegay in lagu tuhunsanyahay Al-shabaabnimo.
Howlgal ay magaalada Boosaaso ka fuliyeen ciidamada Amniga ayaa lagu qabtay raggan la tuhunsan yahay, iyadoo looga shakiyey inay abaabulayeen qorshe amni darro ah oo ay ka sameeyaan magaalada Boosaaso.
Xubnaha looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa lagu qabtay hub ay ka mid yhiin Bistoolado iyo Qoryaha fudud, waxaana la sheegay in baaritaan lagu wado xaaladooda iyo halka ay ka yimaadeen.
Hordhaca baaritaanka ayaa muujiyey inay inuu kooxdan hogaaminayey nin kasoo jeeda Somaliland oo aan lagu guuleysan in ka qabto.