Wararka laga helayo magaalada Maka ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in xujey Soomaali ah ay ku lumeen inta u dhaxeysa magaalada Maka iyo Muzdalifa, kadib maalintii Carafada, kadib markii gaadiid ay waayeen qaarkoodna meel dhexe ay ku dejiyeen gaadiidkii ay raaceen.
Qaar ka mida xujeyda Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalintii 9-ka ee xujeyda ay taagnaayeen Carafo, kadib habeenkii la waayey Gaadiidkii ay raaci lahaayeen xujeyda Soomaalida qaarkood, iyadoo aysan calamad lahayn, ayna dhacday intii gaadiidka heyshay in meel dhexe lagu dejiyo oo ay darawaladda Gaadiidka waday ay garan waayeen goobaha ay Soomaalida degan tahay, kadibna dad badan oo waayeelo ka mid yihiin ilaa hadda la weysan yahay.
Mida ka mida dadkii la wareystay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa tiro xujey Soomaali ah oo meel dhexe lagu dejiyey markii ay u kala socdeen xujeyda Mina iyo Muzdaliza, kadibna isagoo waday hooyadii oo qof culus ah Gaari-na uu ku riixayey ay ku qaadatay 2 saacadood inuu soo gaaro meeshii ay Soomaalida deganaayeen, dhibaato badana uu kasoo maray, welina ay jiraan dad la la’ yahay.
Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajka aaday ayaa wajahay caqabado badan, waxaana ku dhacay hoy la’aan, cunto yari iyo tas-hiilaadka oo aad u yaraa ama qaarkood oo meel cidla ah looga tegay, taasoo keentay in wasaradda Diinta iyo Awqaafta ay dhibaatadaasi dusha u saarto shirkadaha Duulimaadka qaarkood.