Wararka laga helayo magaalada barakeysa ee Maka ayaa sheegaya in Xujey fara badan oo Soomaali ah ay ku dayacan yihiin magaalada Maka, kadib markii ay waayeen khidmadii ay u baahnaayeen, kuwaasoo daadsan wadooyinka, isla markaana aan helin Hooy, Gaadiid iyo adeegyadii kale.
Muuqaaladda xujeyday oo isugu jiray dad waayeel ah iyo kuwo kale ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxayna fadeexad ku noqotay Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo hore u sheegtay in xajka sanadkan dib u habeyn lagu sameeyay, ayna heli doonaan adeeg ka wanaagsan kuwii hore.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Sooamaliya Cismaan Aadan Dhuubow sheegay in Afar ka mid ah diyaaradaha ka daabulay gudaha dalka xujeyda Soomaaliyeed ay sameeyeen dayacaad aad u xun, isla markaana ay kala xisaabtami doonaan xadgudubkii ay sameeyeen marka ay soo dhamaato gudashada acmaasha Xajka.
Wasiir Dhuuboow ayaa xadgudub ku tilmaamay inaysan marnaba suurtagal ahayn in lasii daayo diyaaradihii dhibaatadaas geysatay maadaama Xujey lacagtooda baxsaday aanan loo khidmeyn, waayey, iyadoo aan la dajin Hoteeladii iyo hooygii loo qorsheeyay.
Xalay ayaa aad loogu baahiyay baraha Bulshada xujey Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan gudaha magaalada Makka ee dalka Sucuudi Carabiya.
Xujeydaas oo iskugu jiray rag iyo haween waayeel ah ayaa la arkayay iyagoo jiifa dhul laami ah waxayna waayeen sida ay qirtay xukuumadda Soomaaliya adeegyadii ay u baahnaayeen.