Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn ka timid Maamulka Somliland oo ku saabsan in Xajkii sanadkan la siyaasadeeyay, isla markaana aysan cidna ka xajin sanadkan degaanada Somaliland.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda xilgaarsiinta Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in xujeydii Soomaaliyeed ee ka bixi lahayd Hargeysa la cadaadiyay, waana la siyaasadeeyay, balse ay ka dhoofeen degaanno kale.
Wuxuu ku dooday Wasiirka in sanadkaan xajka si wanaagsan loo maamulay, isla markaana loo xilsaaray guddi qeybiyay, qoonsada ah 5,206 Ruux oo Soomaaliya ay ka heshay Dowladda Sacuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay inuu Shirkadaha la xiriiray, isla markaana uu ka codsaday in uu yaraan degaannada Somaliland ka qaadaan ilaa 800 oo Ruux, balse Xukuumadda Somaaliland ay haddana diiday.
Xujeydii sanadkan ee Somaliland ayaa ka dhoofay Garoomadao ku yaala magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe.