Xeer ilaaliyaha Sacuudiga ayaa shaaciyey in lasoo dhammeystiray baaritaankii falkii dilka ahaa ee lagu Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul lagu qashay saxafigii caanka ah ee Jamal Kashoqgi, iyadoo shan ka mida dadkii falkaasi geystay lagu xukumay dil toogasho ah.
Dilkan oo dunida oo dhan gilgilay ilaa iyo haddana aan la helin halkii jirkiisa la geeyay ayaan la shaacin xubnaha la xukumay, iyadoo dadkii ka dambeeyay ay dhammaantood ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga iyo saraakiisha xafiiska Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxmed Bin Salman.
Xeer ilaaliyaha Sacuudiga ayaa sheegay in wax denbi ah lagu waayay la-taliyaha Dhaxal sugaha ninka lagu magacaabo Sucuud Al-qahdani iyo taliye ku xigeenka Sirdoonka Sacuudiga Axmed Al-casiiri, halka sidoo kale las ii daayey qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Maxamed Al-cuteybi.