Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay lacag dhan 500,000 Dollar u qoondeysay Gurmad loo fidinayo fatahaadda ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka SH/Hoose.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ka sheegya inay Wasaaradda maaliyadda si degdeg u bixineyso $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.
Arrintan ayaa ka danbeysay qeylo dhaan toddobaad ka badan socotay oo dowladda loogu baaqay inay u gurmato degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30 KM, waxaana magaalada DHuusamareeb kulan arrintan ka yeeshay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

Madasha Xisbiyada Qaran ee mucaaradka ah ayaa shalay ku baaqday in loo gurmado dadka Afgooye ku dhibaateysan, waxayna ku eedeysan dowladda Federaalka inaysan kaalinteeda muuqan.