Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo furayo safaarado hore xukuumaddu xirtay oo la sheegay in aan loo heynin kharash isla markaana aanay howlo muhim ah u heynin qaranka. waxaana la magacaabay safiiro dhowr ah kusoo kordhaya safiiradii hore.
Ma dheereyn markii wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle ku dhawaaqay in 9 safaaradood la xiray, kuwaasoo qaarkood ay ahaayeen kuwo aan u diiwaan gashaneynin oo safiiro isaga magacawnaayeen. Waxay ahayd Bishii October 8, 2014 markii go’aankaasi soo baxay oo si weyn loo soo dhoweeyay.
Guddiga arrimaha dibada Baarlamaanka iyo guud ahaan xukuumadda ayaa si weyn tallaabadaasiugu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo kharashka dowladda. tirada safaaradaha dowladda Soomaaliya u furan ayaa xilligaas ahaa 40 safaaradood, waxaaana laga dhigay 31 safaaradood. Safaaradaha la xiray waxaa ka mid ahaa Jarmalka, Senigal iyo Brundi iyo 5 safaaradood kale.
Xaaladda safaaradaha Soomaaliyeed ku sugan yihiin ayaa ahaa kuwo murugo leh, kadib markii ay isku darsadeen waxqabad la’aan iyagoo dulsaar ku ahaa dowladaha ay martida u yihiin iyo qaarkood oo diiday inay hoos yimaadaan wasaaradda arrimaha dibadda, iyagoo muddooyin fog halkaasi xilka iska hayay.
[ad name=”HTML-2″]
Arrimahaas oo dhan waxay keeneen baahi loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo safaaradaha Soomaalida ee dibadda ku shaqeeya, laakin waxaa dhacday in safaaradaha dibadda iyo safiirnimadu noqdaan xilal lagu loolamo oo beelaha iyo siyaasiyiintu dalbadaan. Talaabadii lagu xiray safaaradaha bugta ahaa ee la iska magacaabay si shaqsiyaad loogu raali geliyo waxay ahayd tallaabo wax ku ool ah oo dhinaca wanaagsan loo qaaday laakiin waxaa la yaab leh in loo furo safaaradahaasi iyadoo aanay jirin baahi cusub oo soo korortay ama kharash u soo kordhay dowladda Soomaaliya oo la ogyahay inay shaqaalaheedii yihiin mushaar la’aan muddo dhowr bilood ah.
Dib u furista safaarado badan iyo magacaabid safiiro fara badan oo waqtigooda ku dhameysta socdaal iyo inay hoteelada Muqdisho joogaan waxay uun sii kordhin doontaa musuqa dowladda ka dhex jira iyo in hantida yar ee qaranka loo adeegsado meel aanay mudneyn.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]