Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay dil ka dhacay magaalada Muqdisho oo ciidamada amniga ay ku khaarijiyeen dhagarqabe la sheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab oo qof ku dilay Suuq Bacaad.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay khaarijiyeen nin markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, kasoo lagu dilay isla goobta uu ku dilay qofka shacabka ah.
Waa warkii ugu horeeyay ee wasiirka amniga uu saxaafadda la wadaago kadib markii uu magaalada Nairobi ka sheegay in dadka diidan ee ka hadla xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ay aamisan yihiin inuu Alshabaab ka dhex hadlo, hadalkaasi oo cambaareyn badan soo jiitay.
Wasiirka Amniga oo sheegay in 30 Ciidamo iyo Saraakiil loo xiray Qaraxyadii Alshabaab [Dhageyso]