Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yeman ayaa caawa Gantaallo Plastic ah ku weerarray magaalada Najraan ee Koonfurta Sacuudiga.
Laba Gantaal ayaa la sheegay inay Xuuthiyiinta ku rideen magaalada Najraan, iyadoo ciidamada Sacuudiga ay sheegeen inay soo rideen Gantaalahaasi intii aysan soo galin magaalada Najraan oo ay hawada ku burburiyeen.
Dadweynaha magaalada Najraan ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn, waxaana dhinaca Xuuthiyiinta laga soo xigtay inay Gantaalaha la beegsadeen xarumaha dhaqaalaha ee magaalada Najraan.
Xuuthiyiinta Yeman ayaa si joogto gantaallo ugu weerara dalka Sacuudiga, iyadoo inta badan Gantaalaha Patriot ee Mareykanku siiyay Sacuudiga ay ka hortagaan soona ridaan Gantaalahaasi