Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Yaa bixiyay Dekadda Muqdisho? (Xog muhiim ah)

    Yaa bixiyay Dekadda Muqdisho? (Xog muhiim ah)

    September 30, 2014Updated:October 27, 20142 Mins Read Dhaqaalaha
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Muuqaalka iridka hore ee Dekadda Muqdisho
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Doodii ka taagneyd heshiis keenay in dekadda Muqdisho lagu wareejiyo shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Albeyrak ayaa qaboobay kadib markii ay shir yeesheen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Maxamuud oo ay la socdaan wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha iyo guddiga joogtada ah ee Baaarlamaanka Soomaaliya, shirkaas oo ahaa mid uu codsaday ra’iisal wasaaraha kadib markii baarlamaanka ku baaqeen in ra’iisal wasaaraha hor yimaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo sababta shirkadda Albeyrak loogu wareejiyay Dekadda Muqdisho iyadoo uu yaallo go’aan Baarlamaanku ku gaaray inaan la wareejin karin  dekadda.

    Muuqaalka iridka hore ee Dekadda Muqdisho
    Muuqaalka iridka hore ee Dekadda Muqdisho

    Shirka labada dhinac dhex maray oo xiiso lahaa inta warbaahinta dowladda ay soo xigatay (ka dhageyso halkan dooda dhex maray labada dhinac) ayaa Ra’iisal wasaaruhu cudurdaar ku bixiyay wixii dhacay, iyadoo wasiirkuna faahfaahin aan lagu qancin ka bixiyay sida uu ku wareejiyay dekadda isagoo ku xadgudbay go’aankii Baarlamanka.

    Haddaba arrintii dekadda oo u muuqata inay martay halkii uu hore u maray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dhinaca kale waxaa la yaab leh  sida xildhibaanada uga aamuseen arrintan xasaasiga ah, waxaana muuqda inay hareyn doonaan mowjadaha siyaasadeed ee dib ka yimid sida khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, halkaasi ay ku lumi doonto doodii cadaaladda ahayd ee ahayd in la ogaado sida loo bixiyay dekadda iyo inay sharci tahay.

    Wadani.com ayaa soo xaqiijisay in dekadda lagu bixiyay qaab odaytinimo ah sida laga soo xigtay madaxweyne Xasan Sheekh oo ah inuu hore balanqaad afka ah ku bixiyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed kana balan qaaday ra’iisal wasaarihii Turkiga (madaxweynaha xilligan) Dayib Rajab Ordogan, iyaguna aanay ka daba hadli karin; inkastoo  aan la ogeyn xaqiiqada warkan haddana waxaa jirta in madaxweyne Xasan Sheekh uu dabada ka riixayay in dekadda lagu wareejiyo shirkadda Albeyrak, arrimo kale oo ku xiriirinaya isaga heshiiskanina ay jiraan oo aanu ku daba jirno.

     

    Goobojooge Info

    Muqdisho

    Albeyrtak Dekadda Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePolitics will save Somalia
    Next Article Clan Federalism: The Worst option for Statebuiling in Somalia

    Related Posts

    Xasan Sheekh oo ka degay Tanzania iyo Somalia oo lagu dhawaaqayo inay ku biirtay EAC

    November 23, 2023

    Khilaafka Ganacsade Caan ah iyo Bankiga Dhexe ee Somaliland oo kasii daray

    September 25, 2023

    Somaliya oo ka gudubtay Heerkii 5aad ee Deyn Cafinta iyo 9.4 Milyan Dollar oo loo fasaxay

    May 20, 2023

    Madaxweyne Erdogan oo wajahaya Tartankii ugu adkaa iyo Rajada Dib u doorashadiisa (Warbixin)

    May 7, 2023

    Itoobiya oo faragelisay Dagaalka Laascaanood iyo Muuse Biixi oo ogolaaday Qodob uu diidanaa

    March 5, 2023

    Alshabaab oo Qeylo-dhaan Culus kasoo saaray Dagaalka Dhaqaalaha ee Dowladdu ku qaaday

    January 28, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo