Kadib isku shaadheyntii qaar kamida xubnaha golaha wasiirada ee uu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed (Akhri isku shaandheynta) iyo diidmadii katimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu waxba kama jiraan uga dhigay go’aankii Ra’iisal wasaaraha (Akhri wareegtada madaxweynaha) waxaa si weyn u soo shaac baxay kala qeybsanaan sidii caadada ku ahayd ka dhex jirta xildhibaanada Baarlamaanka oo ah halka uu ku danbeyn doono xalka arrintan.

Qaar kamida xildhibaanada oo horeba xiriir joogto ah ula leh madaxweynaha ayaa la arkayay iyagoo ku talo jira raadinta kalsoonida xubno kale si ugu danbeynta ay uga takhalusaan Ra’iisal wasaaraha, iyadoo madaxweynaha iyo saaxiibkii wasiir Faarax Sheekh C/qaadir ay ka go’an tahay inay C/weli mariyaan isla jidkii ay ku rideen ninkii xilkan uga horeeyay ee Saacid.
Madaxweynaha ayaa lagu yaqaan inuu mid mid iyo shaqsi shaqsi ula hadlo xildhibaanadda marka ay tilmaado olole baarlamaanka dhexdiisa ah, inkastoo markan arrintu ku adkaan doonto haddii aanu kharash adeegsan, maadaama uu ballamo hore oo uu ku howl geliyay xildhibaanno badan fulin waayay.
Xildhibaannada uu ku tashanayo madaxweynahawaxaa ka mida: inta xildhibaannada Beesha Shanaad, in ka badan laba bar xubnaha golaha wasiirada, qeybo yar oo ka mida beesha Dir iyo Hawiye, Daarood.
Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh oo isagu ah nin ku cusub loolanka siyaasadeed isla markaana aan lagu baran muddadii uu joogay xilka, karti dheeraad ah iyo inuu hanti sameysto ayaa ku tashanaya xildhibaanda beesha Dir, Daarood iyo xildhibaanno ka soo horjeeda madaxweynaha oo xurguf ay kala dhaxeyso.
Wadani Info
Muqdisho