Wiil 15 sano jir ah oo u dhashay dalka Norway ayaa qirtay inuu ka dambeeyay dilka wiil Soomaaliya oo 14 sano jir ah iyo macalimadiisa.
Isniinta ayaa wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Yacquub Cabdullaahi oo 14 jir ah iyo haweeneyd u dhalatey dalka Norway oo 40 jir ah mindi lagu diley isla goob, labada qof ee la diley wax xiriir ah oo ka dhxeeyey ma jirin, sida ay warbaahinta Norway qortey, kuwaas oo dilkooda la wada xiriirin karo.
Wiilka dilka geystey ee 15 sano jirka ah ayaa la qabtey habeenimadii xalay Talaadada sida uu qorey Raadiyaha Norway ee NRK. Waraysigii ugu horeeyey ee lala yeeshay ayuuna ku qirtey in uu isagu diley labada qof, sida uu sheegay Terje Skaar oo u hadley Booliska.
Boolisku waxay sheegeen in wiilka dilka geystey uu bixiyey macluumaad faah-faahsan laakiin aanu dooneyn in ay shaaciyaan hadda, sida uu sheegay Terje Skaar.
Booliska dalka Norway ayaa weli baaraya kiiskan naxdinta weyn dhaliyay iyadoo aanay weli kasoo saarin war rasmi ah.