Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Yaa ka danbeeyay Qaraxii lala beegsaday Madaxa ilaalada Musharax Daahir Geelle..? (Faaqidaad)

    Yaa ka danbeeyay Qaraxii lala beegsaday Madaxa ilaalada Musharax Daahir Geelle..? (Faaqidaad)

    March 14, 2021Updated:March 14, 20213 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qarax miino ayaa lala beegsaday xalay ilaalada Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle, kaasoo shaki laga muujiyey sida uu ku dhacay iyo cidda ka danbeysay.

    Qaraxan oo ka mida qaraxyada sii xoogeystay, aadna u sii badanaya ee loo adeegsado Miinada dhulka la geliyo ayaa waxaa soo baxaya inay ku lug leedahay gacan saddexaad oo aan ahayn Alshabaab, iyadoo in muddo ahba uu socday tuhun ku saabsan qaraxyada Muqdisho ka dhaca inay siyaasad ka dambeyso, sida duqeyntii ugu danbeysay eeXarunta Xalane.

    Alshabaab ayaa caadiyan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu qaaday ilaalada Musharax Daahir Geelle, waxaana qaraxa ku dhintay laba askari, halka uu ku dhaawacmay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Milateriga, haddana ahaa madaxa ciidamada ilaaliya Musharaxan oo lagu magacaabo Col. Cumar C/raxmaan Abuukar.

    Musharax Daahir Geelle oo war kasoo saaray falkan ayaa yiri: “Waxaa qarax argagixiso oo fulaynimo ah lala beegsaday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo ammaankeyga guud masuul ka ah iyo ilaaladiisa. Waxaan murugada la qaybsanaynaa una tacsiyeynaynaa ciidamada qalabka Sida iyo ehellada geerida ku timid Alle ha u naxariiatee Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali Maxamed oo ka tirsanaa ilaalada taliye Cumar. Waxaan Alle uga baryayaa inuu inoo caafiyo Cornel Cumar Cabdiraxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif darawalka taliyaha, Xuseen Cali Xasan Caddow iyo Abuukar Maxamed Cabdulle oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha, Ilaahay ha u booga dhayo, caafimaad deg deg ah ha siiyo dhammaantood. Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah..”

    Xogt la helay ayaa sheegeysa in qaraxa lala beegsaday ilaalada Musharax Daahir Geelle uu kusoo beegmay iyadoo saraakiisha Milateriga dowladda Soomaaliya ee u dhow Madaxweynaha waqtogiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo ay cadaadis ku hayeen saraakiisha la shaqeysa Midowga musharixiinta Madaxweynaha oo qaarkood la sheegay in farriimo caddowtinimo ugs yimaadeen Madaxtooyada, qaar kalena laga joojiyey Mushaarkii.

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Mucaaradka ayaa bartamihii Janaayo 2021 ka digay in dalka Eritrea laga keenay Miinooyin laga soo dejiyey Garoonka Muqdisho. Wuxuuna farriintaasi ku yiri: “Saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo”.

    Ma jirto cid xaqiijin karta dhab ahaan cidda ka danbeysa qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, laakiin waxaa sii kordhaya aaminaadda ku saabsan inay jirto gacan saddexaad oo ku daaban madaxda xilka heysa, taasoo ay ka dhawaaqijiyeen madax badan, shakiguna gaaray in si cad loo sheego jiritaanka “LABA SHABAAB”.

    Waxaan sidoo kale la aamini karin sheegashada Alshabaab ee ah inay ka danbeyso qarax ama fal kasta oo Muqdisho ka dhaca, waxaana la xusuustaa inay sheegatay weerarkii lagu dilay xildhibaan Yuusuf Cabdi Dirir ee dhacay bishii May sanadkii 2015 oo la xaqiijiyey inay ciidamo ka tirsan ku rasaaseeyeen Gaari uu la socday jidka Maka Almukarama, agagaarka Isbitaalka Daarushifaa.

    GOOBJOOGE

    Xildhibaan Cabdalla Boos: “Madaxtooyada ayaa laga soo abaabulay Weerarkii la igu dhaawacay laguna dilay Yuusuf Dirir” -FADEEXO-
    Alshabaab Daahir Geelle Qarax miino Qaraxyada Top Yaa ka danbeeyay
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShir xasaasi ah oo xarunta Xalane uga furmay Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Midowga Musharixiinta
    Next Article Maxaa kasoo baxay shirkii Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo