Tuesday, May 13, 2025

Yaa ka danbeeyay weerarkii lagu dilay xildhibaan Yuusuf Dirir?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkii lagu qaaday shalay gaari ay saarnaayeen laba ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo midkood uu dhaawacii ka soo gaaray weerarkaasi u dhintay, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inuu bilowday baaritaan ay dowladdu amartay in weerarkaasi lagu sameeyo.

Indha-Carte

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  tacsi u diray xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir isagoo  sheegay inuu xildhibaanku  ahaa howlkar wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed. Kadibna wuxuu madaxweynuhu amar ku siiyay hay’adaha ammaanka inay si deg deg ah baaritaan ugu sameeyaan dhagar-qabayaasha fuliyey falkaan.

Ad

Falkan oo sidoo kale uu ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdalla Boos ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa fal ka dhex dhacay ciidamada milateriga dowladda oo gaari caasi ah watay, lana sheegay inay ka shakiyeen gaarigan, waxaana iska soo daba dhacaya gaariga falka geystay iyo ciidamada saarnaa warar ku saabsan, iyadoo ay sidoo kale meesha ka ag dhowaayeen ciidamo nabadsugidda ka mida.

Waxaa la xaqiijiyay in rasaasta ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka siiba milateriga, sababta falkani keentay waxaa si degdeg u soo dhex galay ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo dalbaday in la soo xiro ciidamada falka ka danbeeyay, waxaa kaloo arrintooda ku dhex jira taliyaha ciidamada milateriga Gen. Daahir Aadan Cilmji (Indha-Qarshe).

Inkastoo ay tahay markii ugu horeysay ee fal noocan ah ay ku lug yeeshaan ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa haddana la dareemayaa in xaalad jahawareer amni ah ka jirto caasimadda xilligan falal kala duwan oo ammaanka ku saabsan ay dhaceen. Waxaa laga war sugayaa baaritaanka dowladda ku dhawaaqday natiijada ka dhalata.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON