Kadib markii lagu dhawaaqay inta badan Golaha wasiirada maamulka Galmudug ee shalay uu soo dhisay madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed waxaa soo baxay hadal heynta rag la filayay in xilal laga siiyo Golaha wasiirada oo laga tegay iyo qaar kooban oo lagu soo daray.
Mas’uuliyiin hore iyo musharixiin lagu waday inay ka mid noqdaan Golaha wasiirada Galmudug oo laga tegay waxaa ka mida:
- Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid-Madaxweynihii Galmudug) oo isagu xil looga balan qaaday dowladda Federaalka
- C/llaahi Cali Maxamed Baarleex (madaxweynihii Ximan & Xeeb) oo xilal kala duwan laga siiyay dowladda Federaalka
- Musharixiintii ugu cadcadaa xilka madaxweynaha Galmudug oo diiday inay xilal wasiir qabtaan
Xubnaha Golaha wasiirada Galmudug lagu soo daray ee ka dhex muuqda waxaa kamida:
- Sheekh Ibraahim Guureeye oo noqday wasiirka Waxbarashada, isagoo hogaaminayay kooxdii Ahlu suna oo heshiis la gashay Galmudug.
- Maxamed Cilmi Afrax oo loo magacaabay wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah (wuxuu ka mid ahaa musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ee heshiiska hoose la galay C/kariin Guuleed).
Inta badan xubnaha golaha wasiirada Galmudug ee lagu dhawaaqay waa kuwo ku cusub siyaasadda isla markaana aan maamulo hore kasoo qeyb gelin, waxaana lagu saleeyay qaab beeleed miisaaman.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]