Waxaa shalay Muqdisho lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo uu ku soo baxay markii labaad Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaase la is weydiinayaa cidda ka soo noqon doonto guddoonkii hore.
Guddoomiye ku xigeenadii hore ee Baaramaanka Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cawad Cabdalla waxay labadaba ka mid yihiin musharixiinta dib ugu tartamaya xilalkooda, waxaana la sharxan musharixiin fara badan oo culus.
Jeylaani Nuur Iikar
Jeylaani ayaa la sheegay inuu si adag ku soo galay baarlamaanka kadib markii ay is qabteen suldaanka beeshiisa, waxaana beeshiisa ay ku eedeysay inuusan waxba u qaban intii uu xilka hayay, isla markaana wuxuu ku sigtay in la bedelo, sidaasoo ay tahayna taageerayaal badan kuma laha gudaha Baarlamaankii hore iyo kan cusub.
Jeylaani ayaa la saadaalinayaa inuusan wareega hore dhaafi doonin, isla markaana aanu marna heysan fursad uu mar kale ku soo laabto sida Guddoomiye Jawaari oo xaalado is biirsaday ay keeneen inuu dib u hanto jagadiisii.
Mahad Cabdalla Cawad
Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaankii hore waxay doorashadiisa ka dhacday Muqdisho, kadin markii uu kursigiisa ka soo wareejiyay magaalada Cadaado, wuxuuna isbaheysi siyaasadeed oo shaqsi ah la galay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, kaasoo keenay inay caddow ka dhigto beelo iyo isbaheysiyo waaweyn.
Mahad Cabdalla waxaa la isku waafaqsan yahay inuusan dib u soo laaban doonin, isla markaana codad wax tara ka heli doonin doorashada uu ku jiro, waxayna taasi ka dhigan tahay in guddoonkii hore uu kaliya ka soo laabtay guddoomiyihii oo qura Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Wadani.com