Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Yaa ku guuleysan doona xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka..? [Warbixin Sawirran]

    Yaa ku guuleysan doona xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka..? [Warbixin Sawirran]

    January 12, 2017Updated:January 12, 20174 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Doorashada Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho.

    Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa noqon doona mid loolan adag ka dhaco iyadoo ay u sharxan yihiin lix musharax oo ugu yaraan saddex ka mida aanay dab yar shideynin, sidaasoo ay tahayna saadaasha hore ayaa muujineysa in qaarkood ay cad-cad yihiin, halka qaarka kale ay boos buuxis noqon doonaan.

    Musharixiinta tartameysa taariikhdooda iyo rajadooda hoos ka akhriso

    Faarax Sheekh C/qaadir

    Faarax Sheekh Cabdiqaadir wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyn sanadkii 1966-dii, aqoon ahaan wuxuu heysaa laba shahaado oo Master-ka oo kala ah Maamul iyo maareynta ee machadka (ESAMI)-Arusha iyo mid kale uu ka qaatey Jaamacadda Islamabad ee dalka Pakistan isagoo bartey Sharciga iyo Qaanuunka, wuxuu kas oo shaqeeyay hay’ado samafal sida Africa Muslim Agency xafiiskeeda Soomaaliya oo uu madax ka ahaa 1992-2007, Wuxuu siyaasadda ku soo biiray 2012 isagoo noqday Xildhibaan, kadibna wuxuu qabtay jagooyinka Wasiiru dowlada Madaxtooyada 2013 iyo wasiirka Garsoorka.

    Khudbadii musharaxnimada ee uu Baarlamaanka ka horjeeday ayaa ahayd tii ugu saameynta badneyd oo si weyn loogu faafiyay baraha Bulshada waxaana saadaashu tahay inuu safka hore ku jiro, kuna guuleysan karo xilkan, balse ay dhici karto inay si kale wax u dhaceen marka la eego mucaaradada ka dhex jirta musharixiin badan oo saameyn ku leh xildhibaanada qeyb ka mida.

    Khadiija Maxamed Diiriye

    Khadiijo Diiriye waxay ku dhalatay Muqdisho 1964-tii, waa hooyo leh 5 caruur ah, Jaamacadda Hope ayey 2014-kii ka qaadatey shahaadada koowaad ee Public Adminstration. Khadiijo waxat Xildhibaan noqotay dowladdii Carte 2000 iyadoo ilaa iminka kursiga ku fadhida, waxay soo qabatay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeen, iyo wasiir.

    Waa markii ugu horeysay ee haweeney xilkan isu taagto, waxaana ku hor gudban caqabado diini ah iyo kuwo bulshadeed, inkastoo ay shacbiyad aan yareyn ku leedahay Baarlamaanka, haddana waxaa laga cabsi qabaa inaysan xilkan ku soo bixin.

    Jeylaani Nuur Iikar

    Jeylaani Nuur Ikar Sh. Suufi wuxu Muqdisho ku dhashay 1955-tii, wuxuu 1978-dii ka baxay Jaamacadda umadda isagoo bartay dhaqaalaha. 1980-kii wuxuu maamul iyo maareynta ka Akaadimiyad Talyaaniga ku taallo. Shaqooyinka uu soo  qabtay waxaa ugu muhiimsan xogheyaha guud ee ururkii SANU, Xubin Baarlamaanka wixii ka dambeeyay 2008-dii, waxaana guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka loo doortay 2012-kii.

    Jeylaani Nuur Iikar wuxuu dhibaato kala kulmay inuu dib ugu soo laabto Baarlamaanka cusub, waxaana la saadaalinayaa inuusan codad badan ka heli doonin, kuna soo bixi doonin jagada uu doonayo inuu mar labaad ku guuleysto.

    Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey

    Cabdiweli IbraahimMuudey wuxuu ku dhashay degmada Qoryooley/Sh-hoose 1964-tii, Wuxuu ka qalin jabiyay Machadka SIDAM 1988-dii. xilalka uu soo qabtay waxaa ugu muhiimsan isagoo 2004 ka mid noqday Xildhibaannada dowladdii KMG aheyd. Sanadkii 2012-2010 waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka. Xildhibaan ayuu noqday 2012, wuxuuna soo noqday Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

    Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey oo gacan saar la leh Shariif Xasan wuxuu ka mid yahay musharixiinta ugu cadcad xilkan, waxaase caqabad weyn ku ah taariikhdiisii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa oo ka reebtay in mar kale la doorto sanadkii 2012, waxaana la saadaalinayaa inuu wareegyada dambe haddii la isla gaaro soo geli karo, waxaana laga filayaa inay isu soo haraan Muudey iyo Faarax kadibna ay guushu raacdo musharaxa aan mucaarad badan ku lahayn xildhibaanada.

    Khaalid Macow C/qaadir

    Khaalid Macow waxaa magaalada Muqdisho ku dhashay sanadkii 1950-kii, Aqoontiisa wuxuu ka qalin jebiyay Jaamacadda Urbino iyo Akaadimeiyadda fanka ee Ravenna iyo taqasusaadkiisa Saxaafadda uu ka bartey Urbino Italy. Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa uu macalim ka ahaa Jaamacadda Umadda, Jaamacadda Sanca iyo Jaamacadda Bologna, waxaa kaloo uu noqdey agaasimaha waaxda warfaafinta ee xisbigii XHKS. Golihii shacbka 1985-1990, waxaa uu tifaftire ka noqdey Ogaal iyo Kasmo.

    Khaalid waa Aqoonyahan qunyar socod ah oo la saadaalinayi inuusan meel fiican ka geli doonin doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

    Saciid Xuseen Ciid

    Saciid Xuseen Ciid, waxaa uu dhashay sanadkii 1973. Wuxuu Master ka diyaariyay American International Open University ee Qaahira, India ayuu labo Master ka diyaariyay, shaqada waxaa ugu muhiimsanaa 2016 waxaa uu 2014-ahaa  wasiirka xanaanada xoolaha, waxaa kaloo uu muddo ka shaqeeyey rugaha ganacsiga dalka sida Puntland.

    Siciid Xuseen Ciid waxa uu ka soo jeedaa beelaha shanaad ee dega Puntland, waana markii ugu horeysay ee shaqsi la mida isu sharxo xilkan, waxaana la filayaa in codadka uu helo aysan ku filnaan doonin guul uu ka gaaro doorashada.

    GOOBJOOGE.COM

    Baarlamaanka C/weli Muudey Doorashada 2016 Faarax C/qaadir Gudoonka Baarlamanka Jeylaani Iikar Khadiija Diiriye Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDoorashada Guddoomiye Jawaari Maxey ka dhigan tahay? [by: Eng. Yarisow]
    Next Article Guusha Jawaari ma iskaashi ayey ku timid Mise…?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo