Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Yaa Somaliya u doodaya Kiiska Dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda ICJ? (Magacyada Qareenada)

    Yaa Somaliya u doodaya Kiiska Dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda ICJ? (Magacyada Qareenada)

    March 14, 2021Updated:March 15, 20212 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maalinta Berri ah 15-ka Maarso 2021 ka furmi doono xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague dalka Netherland, dhageysiga dacwada Kiiska Badda ee Somaliya iyo Kenya, iyadoo Kenya ay go’aansatay inay ka baaqsato.

    Kenya aya qoraal ay u dirtay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ku sheegtay inaysan u diyarsaneyn ka qeybgalka dacwadda xaalado ka dhashay Cudurka safmarka ah ee Covid-19 awgeed, waxayna arrintan fursad u noqon kartaa Soomaliya oo la dhageysanayo keligeed.

    Haddaba Qareennada Soomaaliya ka difaacaya kiiska Dacwadda Badda ayaa ah isla kuwii hore usoo waday kiiskan, waxayna kala yihiin Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet.

    Waxaa ka maqan oo si weyn loo tebayaa Qareenadii Soomaaliyeed ee Muna Sharmaan oo dood weyn ka dhalatay sida ay uga hartay dacwadda, laakiin dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay iyadu ka tagtay markii ay shaqo ka heshay Bankiga Adduunka.

    Qareennada Difaaca Soomaaliya waxay kala yihiin:

    Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya waxay u kala dhashay dalalka Mareykanka,  Ingiriiska iyo Faransiiska, waxayna ka socdaan shirkadda Qareenada caalamiga ah ee Foley Hoag.

    1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C,  kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, wuxuuna ku hadlaa Spanish iyo English.

    2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, wuxuu ka baxay Jaamacadda Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah.

    3. Prof. Alain Pellet: Waa Oday 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, wuxuu Barre ka yahay Jaamacadda Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska.

    Dowladda hadda jirta ayaa markii ug horeysay kooxda Soomaalida ku dartay siyaasiga Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo sharci yaqaan ah. Kooxdii ugu danbeysay ee loo diray magaalada Hague waxaa lagu soo daray xeer ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir iyo Yuusuf Garaad.

    Kiiska Badda ayaa hadda wajahaya xaalad cusub markii ay Dowladd Kenya qaadacday inay ka baaqsato dhageysiga dacwadda ee Maxkamadda ICJ, iyadoo ay waqti dheer qaadaneyso go’aan kasoo baxa Maxkamadda, isla markaana aysan jirin cid guul sheegan karta xilligan.

    AKHRISO WARAR LA XIRIIRA:

    Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay Muna Sharmaan ka tagtay Qareenada difaacaya Kiiska Badda [Akhri sababta]
    Yusuf Garaad: “Waa markii ugu horreysay ee siyaasi ka mid noqdo ergada Somalia ee -Maxkamada ICJ-” [Akhriso]
    ICJ Kenya-Somalia maritime row Maxkamadda ICJ Qareenada u doodaya Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Saddex Qorshe oo Farmaajo u dejiyey fashilinta Shirka Afisyoone ee Beesha Caalamka qabanqaabisay
    Next Article Tallaalkii Covid-19 ee loogu deeqay Somaliya oo Muqdisho soo gaaray. (Sababta dalalka qaarkood u joojiyeen)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo