Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Yaa xiray, maxaase loo xiray xaruntii & shaqaalihii Telefishanka Universal ee Muqdisho? FAALLO

    Yaa xiray, maxaase loo xiray xaruntii & shaqaalihii Telefishanka Universal ee Muqdisho? FAALLO

    October 3, 2015Updated:October 3, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maqribnimadii xalay  xabsiga loo taxaabay agaasimihii TV-da gaarka loo leeyahay ee Universal u qaabilsan Africa C/llaahi Xersi Kulmiye iyo barnaamij soo saare sare Cawil Daahir Salaad oo ka mida howlwadeenada TV-ga kadib markii ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir u yeereen, kadibna ay ciidamo kale tageen xaruntii Teleshinka ee magaalada Muqdisho.

    Cawi-cahli

    Ma jiraan wax war ah oo dowladda iyo hay’adaheeda ammaanka ka soo saareen xariga mamaulka iyo weriya ka tirsan TV-ga , laakiin waxaa saacadihii ugu danbeeyay la isla dhex inuu salka ku hayo Dood-wadaag ka baxay Telefishankan Arbacadii hore oo ay marti ku ahaayeen laba xildhibaan oo baarlamaanka federaalka ka mida iyo dadweyne, barnaamijkaas oo ahaa mid kulul.

    Waxaan faaqideynaa Dooda ka baxday TV-da Uniuversal iyo saameynta ay yeelatay oo aanu ka eegeyno warbaahin ahaan iyo dowlad ahaan;

    WARBAAHINTA

    Warbaahin kasta waxay leedahay siyaasad tifatir oo u gaara, anshax qoran iyo sharci u yaala warbaahinta oo lagu hayo marka wax ka dhacaan. Hoos ka daawo barnaamijka Dood-wadaag ee lagu heysto TV-ga.

    Marka arrintu taagan tahay warbaahin iyo war ama dood ay baahisay iyo saameynta ay yeelan karto sida arrintan oo kale waxay ku  wareegeysaa “Mas’uuliyad” ah in dood noocaas ah ama heerkaas  dood gaarsiisan shacabka loo bandhigo, haba ahaato in dadka ka qeyb galaya ay mas’uuliyiin yihiin oo ka mid yihiin Baarlamaanka, haddana hagaha ama weriyaha waxaa mar kasta waajib ka saaran yahay inuu dooda hago si aan loogu gefin ama loogu ceebeyn cid kale oo aan meesha iska difaaci karin. Micnuhu waa in warbaahinta iska dhowrto  arrimaha dalka u soo jeedi karta dhibaatooyinka iyo halis laga baaqsan karo.

    Warbaahinta Soomaalida waxaa aalaaba ka dhaca khaladaad noocan oo kale ah oo si fudud loo sixi karo ama afeef hore laga dhigan karo, iyadoo hanuunin gaara iyo xad loo yeelayo baahinta arrimaha qaarkood ee saameynta ku leh; mana aha in arrintu gaaro dembiilenimo. Laakiin doodii Arbacdii waxay ahayd mid kulul oo shaki badan gelisay dowladnimada la sheeganayo sax iyo khalad tii ay noqotaba, taasoo haddii lagu simo dood caadi ah aanay dhibaato lahayn, laakiin lala aadi karo arrimo Qaran iyo abuur xasilooni darro ama kicin oo nidaamyada fashilmay ay sabab uga dhigan karaan inay dadka afka ka xiraan.

    DOWLADDA

    Tan iyo markii  uu soo baxay xariga xafiiska TV-ga Universal iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho waxaa kaliya oo hadlay dadweyne  iyo ururo bulsho oo dalbaday sidii caadada u ahayd in la sii daayo.

    = Waxaa la xiray mas’uul sare iyo barnaamij soo saare ka tirsan Universal TV Muqdisho

    = Waxaa la xiray xaruntii Telefishanka ee magaalada Muqidsho, waxaana laga joojiyay shaqadii.

    1.  Aan isweydiinee,  amarka xariga yaa bixiyay?
    2. Maxaa lagu heystaa oo loo xiray xarunta TV-ga
    3. Maxaa lagu xiray Agaasime C/llaahi Xersi?
    4. Maxaa loo xiray Cawil Daahir Salaad?
    5. Wasaaradii ku shaqada lahayd maxaa loo ogeysiin waayay?

    Marka su’aalahan jawaab loo helo ayaa la ogaanayaa xaaladda dowladda Federaalka iyo inay sax tahay doodii ahayd in dalku gumeysi ku jiro oo dadka qaarkood sida Itoobiya aan waxba laga sheegi karin, ayna galeen booskii, SIRTA QARANKA iyo AMMAANKA QARANKA ku jireen…!!

    Khaladka ugu weyn ee caadiga iska noqday waa in mar kastoo khalad lagu tuhmo warbaahin ay arrinteeda gacanta la soo gasho hay’adda nabadsugidda. Hay’adani waxay ummada u qaabilsan tahay la-dagaalanka caddowga, waana marin habaabi iyo khalad lagu hagayo in loo adeegsado shacabka caadiga ah ama ururada bulshada iyo saxaafadda, waxayna ahayd inay arrintan loo dhaafo hay’adaha sharciga  ee ay quseyso sida  Wasaaradda Warfaainta, Maxkamada Gobolka, iyo   xeer ilaalinta iyi Booliska.

    Dhaqanka dowladeed ee ka bilowda in qof si toos ah la isaga xirto iyadoo aan maxkamad loo marin waa mid salka ku haya keli-talisnimo iyo dad dhan lagu xukumo rabitaan maskax gaaban iyo feker shaqsi ah, taasoo Soomaalida xilligan joogta ay ka gudubtay, balse qaar ka mida madaxda dowladda Federaalka weli ku taagan yihiin.

    Faallooyinka Wadani.com

    [ad name=”HTML”]

    TV-ga Universal Xariga Cawil Daahir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeriye Cawil Daahir Salaad iyo Shaqaalihii Universal TV ee Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay
    Next Article Maxaad ka taqaan shaqsiyadda Taliyaha cusub ee ciidanka Milateriga Somaliya Jen. Maxamed Aadan?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo