Boqorka cusub ee Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa ku kacay tallaabo ku cusub madaxda islaamka oo geesinimo iyo muslimnimo khaalis ahi ka muuqato kadib markii uu ka dhaqaaqay Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama oo taagan Saalada soo dhoweynta madaxda kadib markii uu maqlay aadaanka salaada Casir.
Boqorka ayaa soo dhoweeyay madaxweynaha Mareykanka, waxaana dhacday inay marxabeysiiyeen madaxda Boqortooyada, balse iyadoo goobtii Garoonka la taagan yahay ayuu dhaqaajiyay Boqor Salmaan, waxaana la arkayaa Obama iyo xaaskiisa oo goobta looga tegay. Boqor Salmaan ayaa lagu tilmaamaa nin diinta ku dhegan.
Arrintan ayaa noqotay tan loogu hadal heyn badan yahay Goobaha bulshada Carbeed ku kulanto ee warbaahinta shacabka “social Media” waxaana malaayiin qof ay faallooyin taageero u badan ka bixiyeen tallaabada Boqor Salmaan.
Hoos ka daawo muuqaalka arrintan yaabka leh:
[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=1HdUXM05yw4″]
Wadani.com