Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tifiaftirihii laanta Afsoomaaliya ee BBC-da ayaa ka hadlay war kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo weriye Haaruun Macruufk u eedeeysay inuu khatar ku yahay Amniga Qaranka.
“Ma ogi waxa ay NISA sheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf. Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka. Haddana ma jecleysan farriinta NISA ay soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya..” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ku dooday in Sirdoonka aanu wax shaqo ku lahayn Anshax marin saxaafadeed .
“Haddii ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka. Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay. Maxkamad la wada aado. Caddeymaha eedeynta iyo Difaaca eedeysanaha dooddiisa uu isu miisaamo Garsoore. Sharcigu uu shaqeeyo. Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaashana uguma hanjabto baraha bulshada..” qoraalkiisa ku yiri Yusuf Garaad.
Wuxuu sheegay in Sirdoonnadu aanay xog xasaasi ah ku gudbin Saxaafadda bulshada, wuxuuna sii daba dhigay. “Ma jecleysanayo in aan He’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyadaa dooddaas keentay isla goobtaan..”
Yuusuf Garaad ayaa dowladda Federaalka weydiiyey Su’aasha ah:”Haddii Hey’adda Sirdoonka ay ka adeejisay inay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?..”