Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Yusuf Garad & Thabit Cabdi oo Baaq wadajir ah kasoo saaray xaaladda Muqdisho (Akhriso)

    Yusuf Garad & Thabit Cabdi oo Baaq wadajir ah kasoo saaray xaaladda Muqdisho (Akhriso)

    April 17, 2019Updated:April 17, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa baaq wadajir ah kasoo saaray xaaladda magaalada Muqdisho.

    Qoraalkooda wadajirka ah ayey si toos ah ugu jeediyeen bajaajleyaasha magaalada Muqdisho oo tacadiyo kala kulma ciidamada dowladda, isla markaana ku dhowaad 50 ka mida ay u xiran yihiin Booliska, wuxuuna baaqan ku soo beegmay iyadoo la sheegay in la qabanqaabinayo bannaanbax ka dhacaya Berri mnagaalada Muqdisho.

    B A A Q    F U R A N

    Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha bajaajka, BL-ka iyo tagaasida Muqdisho, ayaan haddana idiin qireynaa in aad ku dadaasheen kuna guuleysateen in aad shaqo abuurataan.  Waxa aad gacan weyn ka geysataan isu socodka dadweynaha magaalada idinka oo ugu adeegaya qiimo jaban.

    Waxaan wadajir idiinkugu baraarujinaynaa muhiimadda nabadda iyo xasilloonida oo la’aanteed aan shaqadiinnu socon karin.  Sida aad ogtihiin, Amni-darro iyo xasillooni la’aani waxay sababi karaan dhibaatooyin shaqo la’aan aad uga culus.

    Sidaa darteed waxaan idinku boorrineynaa in adinka oo dantiinna ilaashanaya, u turaya shacabka Soomaaliyeed oo waalid iyo walaal ah, kuna kabaya Dowladnimada Soomaaliya aad ka fogaataan wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida oo ah danteenna guud.

    Cabashooyinka aad qabtaan, oo waliba qaarkood aan ka garaabeyno, waxay tahay in aad xalkooda u martaan dariiq nabadgelyo. Haddii aad sidaas ku sifowdaan waxaan ku kalsoon nahay in ay dad badani idinku taageri doonaan halgankiinna xuquuq u doodka ah.

    Dowladda waxaan u soo jeedineynaa saddex qodob oo kala ah in xaaladda aan looga darin, la qaboojiyo rabshadaha hadda taagan iyo in xal waara loo helo oo tan oo kale aanay dib u soo noqon.

    Si aan xaaladdu uga sii darin waxaa nala habboon in laga dhowrsado erayada uga dari kara xaaladda. Si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in laga gaabsado eedeymaha aan loo heyn caddeyn buuxda iyo wax kasta oo shaki iyo kala qeybin u horseedi kara bulshada magaalada, maaddaama ay tahay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee magaaladu ay wadajir u wajahaan mushkiladda.

    Si karka magaalada hoos loogu dhigo waxaan Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqeynaa in dhallinyarada loo turo, lana fahmo in ay cadaadis iyo xad gudub dhab ah ka cabanayaan.  Waxaan soo jeedineynaa in dhallinyarada la xiray oo dhan la sii daayo.  Iyo in la baaro dilalka dhacay ciddii dembi geysatayna Maxkamad la soo taago.

    Ugu dambeyn waxaan soo jeedineynaa in la qaado tallaaboyin lagu xaqiijinayo in dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhallinyaradu aanay dib u soo laaban.
    Tallaabooyinka taas lama huraanka u ah waxaa ka mid ah in booliiska iyaga oo hubeysan shacabka lagu sii dhex deynayo la hubiyo in dhammaantood ay qaateen tababbar booliis.  Dabcan waxaa tababbarkaas qayb ka ah sida ay shacabka saaxiib ula noqon lahaayeen, taas oo howshooda u fududeyneysa, sharafna ay uga mudanayaan walaalahood. 

    Askarigii ama sarkaalkii aan tababbarkaas qabin inta uu qaadanayo tababbarka waa in uu ka shaqeeyaa xafiisyada, bakhaarrada, gaadiidka, xeryaha iyo shaqooyin kale oo booliis laakiin aan la soo horjoojin bulshada.

    Waxaa kale oo muhiim ah in dhallinyarada iyo dadweynaha magaalada oo dhan wakiilladooda ay Booliiska iyo Dowladduba la yeeshaan gacansaar, si joogta ahna loo xalliyo cabasho kasta, ka hor inta aanay isu rogin qalalaase.  Ama ugu yaraan in la iska qanciyo cabashada.

    Ugu dambeyn, waxaan soo jeedineynaa in wadashaqeyn dhow lala yeesho Hoggaamiyayaasha Dhaqanku iyaga oo wadajira, isla markaasna ay iyaguna wadajir u wajahaya wixii dhibaato soo ifbaxa.

    Waxaan u rajeyneynaa booliiska iyo dhallinyaradu in ay gacmaha is qabsadaan, ogaadaan in aayahooda iyo aayaha Soomaaliya ay ku xiran yihiin dhallinyarada oo isku kalsoonaata, cududda iyo maskaxdooda mideeysa, una jiheysa horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

    Guuleysta

    Yusuf-Garaad Cumar iyo Thabit Cabdi Maxamed 

    Baaq Muqdisho Thabit Cabdi Top Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDad shacab ah oo lagu laayey Xaafad ka tirsan Muqdisho..[Faahfaahin + Magacyada]
    Next Article Bannaanbax laga abaabulayo Baraha Bulshada oo gilgilay Dowladda Somalia (Maxaa dhacay.?)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo