Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadalay xaaladda ka taagan Galmudug ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Ahu suna, isagoo sheegay inay muhiim tahay isbedelka ka dhacaya Galmudug inuusan dhiig ku daadan.
“Ahlu Sunna isfaham la’aan kala dhexeysay Federaalka oo aan hal Dowlad ku koobnayn ayaa wiiqday horumarka degaanka iyo Dowladnimada Galmudug…” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ka hadlay intii uu wasiirka ka ahaa xukuumadii Soomaaliya inay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa uu kula kulmay Hoggaamiyayaashooda iyo soddomeeyada ugu sarreysa ASWJ.
Qoraal xaalada hadda taagan ka hadlaya oo soo dhigay baraha bulshada ayuu ku yiri “Hadda isbeddel kasta oo degaankaas ka dhacaya laba ayaa aniga iigulu muhiimsan inaan dhiig ku daadan marka isbeddelku dhacayo iyo waliba ka dib isbeddelka dartiis. Dhanaca kale, Ahlu Sunna cidina kuma wehlin ka saaridda degaanka iyo ka daafaca Shabaab. Iyagu garan waaye tab ay libintooda uga dhigaan mid dadka degaanku uu wada leeyahay iyaguna ay horseed ka yihiin…”
Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay Yuusuf Garaad inaan doo darsan Ahlu suna mar haddii ay la wareegtay degaanadii ay ka talin jirtay. “Dowladda Federaalka oo hadda Galmudug toos ula wareegtay iyada ayay mas’uuliyaddu saaran tahay. Kama hadlayo doorasho iyo siyaasad. Waxaan ka hadlayaa amni iyo Daafaca degaanka. Yaan loo darsan Ahlu Sunna…” ayaana ka mid ahaa qoraalkiisa.