Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa afka furtay, isgoo si kulul ugu eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare hoggaan xumo, musuq iyo inuu iska horjeediyey Gobolka Hiiraan ayna diideen maamulka Madaxweyne Waare.
Yuusuf Dabageed ayaa si kulul uga hadlay hoggaanka Maxamed Cabdi Waare ee Hirshabeelle, wuxuuna sheegay intii uu talada qabtay oo ku dhow 2 sano inuusan waxba u qaban Gobolka Hiiraan, isla markaana uu isagu qaato canshuurta laga qaado Gobolka Hiiraan.
Wuxuu soo jeediyay in lasoo farageliyo maamulka Hirshabeelle ee Maxamed Cabdi Waare iyo Reer Hiiraan, wuxuuna baaqaasi u diray madaxda dowladda Somalia iyo kuwa Hirshabeelle, wuxuuna si cad u sheegay inuu ku hadlayo magaca reer Hiiraan oo aanu xilka ka qaadi karin Madaxweyne Waare.
Dabageed ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya isaga wax laga weydiin doono, isaguna uu wakiil ka yahay dadka Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO KHUDBAD KULUL