Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kana tirsanaa wasiiradii maamulkii hore ee Hirshabeelle ayaa shaaciyey in musharixiintii u tartamay kursigii baarlamaanka ee shalay lagu doortay magaalada Jowhar ay dhammaantooda lacag bixiyeen.
Isagoo la hadlayay mida kam ida idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in Lacago fara badan oo Laaluush ah lagu bixiyay Doorashadii Xildibaanimo ee shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta G/ Shabeelaha Dhexe.
Siyaasiga Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xariiqay in doorashadaasi uu ku guuleystay mid ka mid ah Musharraxiintii bixiyay Lacagaha ugu badnaa ee loogu tartamay Kursigaasi.
DHAGEYSO