Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in dowladda Kenya ay wado qroshe ay Afrika iyo Asia uga fureysaa 16 Xafiis Ergo-Diblomaasiyadeed oo hor leh.
Wuxuu intaas ku daray in Kenya ay safaarad cusub ka furayo caasimadda Djibouti, isla markaana ay Qunsuliyado iyo laba xafiis oo sidoo kale ka furabneyso magaalooyinka Hargeysa iyo Kismaayo.
“Diblomaasiyiin culus oo lix ka mid ah ay hore u ahaan jireen Wasiirro ayaa qaban doona xilalkaas, sida ay ay qorayaan Wargeysyadu. Dhankeenna Soomaaliya dhowr iyo tobanka Safaaradood ee Danjire laawayaasha ah waxaan rajeynayaa in iyagana dhowaan la buuxin doono..” ayuu yiri Yuusuuf Garaad oo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xusuusiyey inay howlmaalmeedkooda mashquulka ah ay ku darsadaan magacaabidda Danjirayaal dalka metela.
“Xiriirka laba waddan ka dhexeeya meesha ugu horreysa ee laga akhrisan karo waa wejiga uu leeyahay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Safaarad sannad ku-dhowaad amaba ka badan ahayd Danjire la’aan ma ahan sida ugu qurxoon ee lagu kobciyo xiriir wax wadaqabsi oo laba dal dhex mara..” ayuu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.