Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa xukuumadda Soomaaliya u soo jeediyey inay ka noqoto go’aankii ay ururka ONLF ka qaadatay oo ahaa inuu yahay urur argagixiso.
Yuusuf Garaad ayaa farriin uu soo diray baraha bulshada ku sheegay in loo baahan yahay in waafajinta go’aankii Baarlamaanka iyo hab dhaqankii madaxweynaha kadib markii uu magaalada Asmara ee dalka Eritrea kula kulmay madaxda ururka ONLF.
“Si la isu waafajiyo mawaaqifta Golayaasha dalka (Fulin iyo Sharci-dejin) iyo weliba habdhaqanka Madaxda Qaranka, ama aan si kale u dhigee si loogu hoggaansanaado go’aanka Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada waxaa la gudboon in uu ka noqdo go’aankiisa ahaa in ONLF uu yahay urur arga-gixiso ah..” ayuu farriintiisa ku yiri Yuusuf Garaad.
Warkan waxaa ka danbeeyay iyadoo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle uu Muqdisho ka sheegay in go’aanka dowladda uu yahay kii kasoo baxay Baarlamaanka, isagoo meesha ka saaray raaligelin uu bixiyey Madaxweyne Farmaajo.