Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay inay khalad tahay in dowlad Goboleedyada ay xiriirka u jaraan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isagoo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayuu sheegay inaysan jiri karin dowlad Goboleed aan xubin ka ahayn dowladda Federaalka, sidaas darteedna aysan habooneyn in dowlad Goboleedyada ay ku dhawaaqaan inay xiriirka u jaraan dowladda Soomaaliya.
“Waa ay jiri karaan, waana jiraan waxyaabo u baahan in laga saxo Dowladda Federaalka. Laakiin marnaba daw ilama aha in Dowlad Goboleedyadu ay xiriirka u jaraan Dowladda Soomaaliya..” ayuu yiri Yuusuf Garaad.
Wuxuu intaas ku daray inaysan jiri karin Dowlad Goboleed aan xubin ka ahayn dowladda Federaalka, dalkunu yahay Federaal KMG ah, basle ah dal qura.