Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Yuusuf Garaad oo Qormo ka qoray xilka cusub ee uu la wareegay ee wakiilka Somalia Q/Midoobay

    Yuusuf Garaad oo Qormo ka qoray xilka cusub ee uu la wareegay ee wakiilka Somalia Q/Midoobay

    November 12, 20163 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta iga guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda.

    Intaa ka dib, ayuu Xoghayaha Guud igu martiqaaday xafiiskiisa magaaladan New York, halkaas oo aan ku qaadannay kulan gaaban.

    yusuf-unWaxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba. Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

    Maaddaama ay Soomaaliya ku biirtay Qarammada Midoobay isla sannadkii ay xorriyadda qaadatay, waxaan Xoghayaha Guud uga mahadceliyay guulaha inta uu xilka hayay uu gaarsiiyay Qarammada Midoobay. Waxaa guulahaas ka mid ah taageerada dalalka colaaddu ay soo wajahdo iyo horumarinta xuquuqda haweenka.

    Waxaan xusay horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhammeystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020.

    Wuxuu Xoghayaha Guud sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda. Wuxuuna ku cliyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay wuxuuna igu dhiirri geliyay in aan xoojiyo xiriirkeyga wakiillada Dowladaha daneeya Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee dalka ka howlgala.

    Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa ah goobta loo siman yahay oo ah Dowlad iyo Cod.

    Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon wuxuu iiga warramay mar uu Soomaaliya tegey. Isaga oo ka jawaabaya su’aal aan weydiiyayna wuxuu ii sheegay in marka uu shaqada ka fariisto uu ku laaban doono dalkiisa, Kuuriyada Koofureed.

    Fadhiga waxaa igu wehliyay Maxamed Rabiic Yusuf oo ka tirsan ergada Soomaaliya.

    Mahadcelin

    Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ii wakiishay in aan Qaranka Soomaaliya ku matalo fagaaraha Diblomaasiyadda wadar-geesoodka ah ee ay ku falgalayaan wakiillada 193 Dowladood. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisaln Wasaare Cumar Cabdirashiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Hadliye iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada.

    Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ee igu hambalyeeyay magacaabidda xilkaan, kuwa talooyinka ila wadaagay iyo kuwa martiqaadyada iigu sameeyay Muqdisho inta aanan ka soo dhoofin.

    Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjire Dr. Cilmi Ducaale oo muddo dheer soo hayay xilka aan maanta sida rasmiga ah u billaabay isaga oo weliba ku shaqeeyay xaalad ka sii adag midda maanta. Waxaan isagana u mahadcelinayaa Danjire Cawaale Kulane oo ahaa Ku Xigeenka isla markaana sii hayaha Ergada ee xilliyo badan, anigana intii aanan Muqdisho ka soo safrin i siiyay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Ergada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay.

    Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa una duceynayaa dhammaan Madaxdii soo qabatay xilkaan oo ay ku jiraan kuwii Xafiiska hayay xilligii Dowlad la’aanta. Iyo Danjirayaasha xilkaan soo qabtay oo uu ugu horreeyo Danjirihii markii aan gobonnimada qaadannay la soo magacaabay ee furay Xafiiska Ergada Soomaaliya ee New York, Danjire Xasan Nuur iyo Danjirayaashii kale ee soo maray oo dhan oo ay ugu magac weynaayeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Cabdiraxiim Caabbi Faarax.

    Fadlan ducada igu kaba in Rabbi igu gacan qabto xilkan aan Qaranka u hayo ee ku wajahan ilaalinta iyo hore u marinta danaha Soomaaliya iyo kobcinta xiriirka Soomaaliya ee saaxiitinnimo iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeya Dowladaha adduunka iyo Laamaha Qarammada Midoobay.

    W/Q: Yusuf Garad

    Wakiilka Q/Midoobay Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleYuusuf Garaad oo ugu danbeyn noqday Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay
    Next Article LA-YAAB: Facebook oo macaamiil gaaraya Malaayiin qof dil ku xukumay iyagoo nool

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo