Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo Booliis oo ku soo biiray Ciidamada sugidda amniga Caasimadda.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 3000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka ee xukuumadda Soomaaliya, waxayna ciidamadan muddo afar bilood ah qaadanayeen casharro la xiriira sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamadan kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan ku tijaabisay amniga Muqdisho, kuwaasoo aan weli xal u helin ka hortagga ama wax ka qabashada falalka amni darro ee sida joogtada ah uga dhaca caasimadda, sida qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.






