Shirkii ka socday degmada Ceelbarde ee ay abaabuleen xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa looga dhawaaqay maamul lagu magacaabo Bakool sare oo iyadoo la sheegay in madaxweynaha Ismaamulka Bakool Sare loo doortay Mudane Axmed Sheekh Maxamed Loxos oo ku magac dheer Axmed Mashruuc.
Madaxweynahan cusub ayaa madax u noqonaya maamul ka horjeeda kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay hoos tagaan dhisay Degmada Ceelbarde iyo degaanada Yeed iyo Aato.
Madaxweyne ku xigeen ayaa la sheegay in loo doortay Cabdullaahi Sahal Xuseen (Cabdullaahi Nirig), waxaana la sheegay in shirka la soo gabagabeeyay caawa, iyadoo lagu go’aamoyay in wejiga danbe ee shirka lagi dhameystiri doono maamulkaasi.
Madaxwaynaha Maamulka cusub ee Bakool State ayaa in mudo ka mid ahaa Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, balse iska casilay xilkaas.
Wadani.com