Maamulka Koofur Galbeed ayaa si kulul uga hor yimid maamulka shalay looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee loogu magac daray Bakool sare, iyadoo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen loo magacabay, tallaabadaas oo ay hogaaminayeen xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha degaanadaasi.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde uu yahay mid sharci darro ah iyo wax lala yaabo in degmo ay madaxweyne yeelato.
Wuxuu kad digay in siyaasiyiin qas abuur ah ay degaanadaasi khalkhal ka wadeen, isagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu mas’uul uga yahay gudoomiyaha degmada Ceel Barde.
DHAGEYSO
Wadani.com