Shir madaxeed gaara ayaa la filayaa inuu magaalada Jabuuti uga firmo dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana wasiirada arrimaha dibadda & Gaashaandhigga dalalkaasi ay shir gogolxaar ah ku yeesheen magaalada Jabuuti.
Shirkan oo muddo dib u dhac ku yimid ayaa la sheegay in looga hadlayo qaabka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya u wada shaqeyn lahaayeen, waxaana jira wada shaqeyn la’aan heysata ciidamada jooga Soomaaliya oo keentay inay isku gurman waayaan marka la weeraro.
Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti ayaa shir ku yeeshan maanta magaalada Jabuuti, waxayna labada madaxweyne kulankooda ku soo qaadeen xiriirka labada dal iyo xaaladda dalka Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Kenya, Uganda, Somalia, Jabuti iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan shirka beri ka furmaya Jabuuti oo looga hadlayo dagaalka lagula jiro Alshabab iyo sidii qorshe loogu sameyn lahaa ciidamada AMISOM oo weeraro dhiig badan ku daatay la galay ciidamadaasi.
Madaxweynaha Kenya ayaa wata qorshe uu doonayo in dalkiisa loo sharciyeeyo ciidamo dheeraad ah oo kuwa Badda iyo cirka isugu jira inay ka mid noqdaan AMISOM si loo xoojiyo awoodda ciidamada ku sugan Soomalia, qorshahan ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka hor jeediyay shirkii Midowga Afrika ee dhowaan ka dhacay Adis ababa.
Qorshaha Kenya waxaa si dadban uga hor yimid Midowga Afrika iyadoo AMISOM ay sheegtay inay ka fiirsaneyso, waxaana si hoose u taageersan Itoobiya, arrintan oo halis weyn loo arko isla markaana ay dowladda Soomaaliya hore u diiday in ciidamada Badda Kenya ay ka mid noqdaan AMISOM ayaa cadaadis hor leh ku keeni doonta dowladda Soomaaliya oo taageero ka heysta dalka Jabuuti.
Wadani.com