Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»5 Arrin oo ku cusub Golaha Wasiirada Xukuumadda Xamza Barre (Roobow, UPD iyo Wasaaradda..)

    5 Arrin oo ku cusub Golaha Wasiirada Xukuumadda Xamza Barre (Roobow, UPD iyo Wasaaradda..)

    August 3, 2022Updated:August 4, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirada cusub ee maanta la shaacinayo ayaa waxaa soo baxaya arrimo cusub iyo isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedka xukuumadii hore iyo shaqsiyaad aan la filayn oo ka mid noqonaya.

    Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhismahooda waqti badan qaatay, waxaana arrimaha ku cusub ka mida:

    1- In Sheekh Mukhtar Roobow (Abuu Mansuur) oo u xirnaa dowladii Farmaajo uu ka baxayo xabsi gurigii hay’adda NISA ku heysatay, isagoo si toos u noqonaya wasiir ka mida xukuumadda. Arrintan la yaabla leh waxay farriin toos ah uu caddownimo u direysaa Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, taasoo halis ku ah wadashaqeyntii dowladda Xasan Sheekh iyo maamulkaasi.

    Wasiirnimada Sheekh Mukhtaar Roobow waxay noqotay arrin si weyn loo hadal hayo oo aan ka saameyn yareyn magacaabista xukuumadda uu ka mid noqday, waxaana loo arkaa qorshe uu wato Madaxweyne Xasan Sheekh.

    2- Arrinta labaad ee xukuumadda Xamza ku cusub waxaa ka mida in Xukuumadda laga saaray Wasaaradii Gargaarka oo labadii xukuumad ee hore ku jirtay. Tallaabadan waxay u muuqataa in arrimaha gargaarka laga maamuli doono xafiiska Madaxweynaha, iyadoo dhowaan ergay gaara loo magacaabay, lana bilaabay in Miisaasiyad iyo xafiis gaara loo sameeyo.

    3- Arrinta saddexaad ee ku cusub Golaha Wasiirada ayaa ah Wasaaradda Bii’ada oo mar kale dib loo soo celiyay, iyadoo ka mid ahayd wasiiradii dowladii hore ee Xasan Sheekh, marna la hoos geeyay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha. Wasaaradan waxaa la sheegay in lacag badan deeq ah looga helayo beesha caalamka, taasoo keentay inay xiiso gaara yeeltao, kana xoog badato wasaaradii Gargaarka.

    4- Arrinta kale ee aan la flleyn xukuumaddan waa in Wasaaradii Dastuurka meesha laga saaray oo lagu daray Wasaaradda weyn ee Cadaaladda, taasoo ka dhigan in wasaaradan ay tahay mid ka culus sidii hore, wasiirkeeduna noqon doono mid si gaara loo soo xulay oo loo dhiibay mid ka mida saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh.

    5- Arrin kale oo xukuumadda Xamza Barre ku cusub waa in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ku dhiiradeen magacaabista saaxiibadood, iyagoo aan xeerin rabitaanka madaxda maamul Goboleedyada. Waxaa xilalka sare ee wasiirada xukuumadda cusub qabtay xubno ay si weyn isugu dhaceen madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed.

    Ra’iisal wasaare Xamsa wuxuu xukuumadda uu dhisay ku magacaabay ‘DAN QARAN’ balse waxaa ka dhex muuqda inta badan saaxiibadii Madaxweynaha iyo xubnihii xisbiga UPD oo ay ka wada tirsan yihiin madaxweynaha yo Ra’iisal wasaaraha

    Xukuumadda cusub waxaa ka muuqda rabitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dad badan saluugayaan, ayna qaadan karin madaxda ugu yaraan laba ama saddex maamul Goboleed, sidaasoo ay tahay waxaa la sugayaa ansixinta Baarlamaanka iyo sida ay u howlgali doonto.

    Dhaqanka siyaasadeed ee xildhibaannada ma ahayn in la diido xukuumad lasoo dhisay, waxaan mar kaliya dhacay in xukuumad uu dhisay Cumar C/rashiid la bedelay, iyadoo cabsi ka timid Baarlamaanka xilligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

    GOLAHA WASIIRADA CUSUB Top UPD Xamza Cabdi Barre xukuumadda cusub
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo shaacisay magaca iyo Beesha Is-miidaamiyihii isku qarxiyey Guddoomiyihii Marko
    Next Article Fu’aad Shongole oo ka jawaabay Warka ay ka faafisay dowladda Itoobiya “Waa i kan waa noolahay”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo