Musuqmaasuq lacago Malaayiin Doolar ah lagu lunsaday ayaa ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhaqaale loogu deeqay horumarinta caafimaadka la marsiiyey xisaabaad ay furteen mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.
Dhaqaalaha oo ka yimid Beesha Caalamka ee sida sharci darrada ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka ayaa gaaraya 6.1 Milyan oo Doollar, waxaana dowladda Soomaaliya ugu deeqay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee kala ah: Hay’adda UNPF, UNICEF iyo Hay’adda World Vission, iyo msuqan uu socday muddo sanado ah.
Lacagta Wasaaradda caafimaadka ka heshay Hay’adahan iyo cadadkeeda waxay kala tahay:
United Nations Population Fund (UNFP) oo bixsay: $3,400,000
Hay’adda Q/Mdioobay u qaabilsan Xanaananda Caruurta (UNICEF) oo bixisay $2,100,000
Hay’adda World Vision oo bixisay $575,000
Arrintan ayaa salka ku heysa madaxdii Wasaaradda Caafimaadka ee Xabsiyada dhaadheer iyo ganaaxa lacageed lagu xukumay, isla markaana laga mamnuucay inay xil dowladeed qabtaan, markii lagu helay xatooyo xoolo dadweyne. (Akhriso Halkan)
Mashaariicda lacagahan la lunsaday loogu talogalay waxaa ka mida: Mashruuca Caafimaadka haweeenka io dhallaanka, Malaariyada, HIV iyo wacyigelinta caafimaadka, waxaana kiiskan furihiisa laga helay Guri qarsoodi ah oo madaxda Wasaaradda Caafimaadka ku shaqeeyaan oo ku yaalla degmada Waaberi, iyadoo halkaasi ay yaalleen dokumentiyo been abuur, Rasiidyo iyo shaabado lacago badan lagu lunsaday.
Maxkamadda G/Banaadir oo xabsi culus ku xukuntay Agaasimeyaashii Wasaaradda Caafimaadka (Akhriso)
Lunsiga lacagahan oo gaaray in ku dhow $500,000 wuxuu dhacay sanadihii dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kala ah: 2017, 2018, 2019. Waxaana kiiskan ka baxsatay oo aanu saameyn ku yeelan Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Yuusuf oo ah mas’uulka ugu sareeya Wasaaradaasi
HALKAN KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA GALKA BAARISTA EE VOA-DA