Afar musharax oo qura ayaa isugu soo haray tartanka guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka koowaad iyo labaad.
Wareega labaad ee labada doorasho ayaa laga booday kadib markii ay tanaasuleen afartii musharax ee la filayay inay wareega labaad u tartamaan, taasoo yareysay xilliga doorshada.
GUDDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD WAXAA KU LOOLAMAYA:
C/weli Ibraahim Muudey
iyo Faarax Sheekh C/qaadir
GUDDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD WAXAA KU TARTAMI DOONA:
Mahad Cabdalla Cawad
iyo C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi
Wareegan ayaa lagu kala badinayaa cod hal dheeri ah, waxayna saadaashu u muuqataa inuu guddomiye ku xigeenka koowaad ku soo bixi doono C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ay u badan tahay inuu ku soo baxo C/qaadir Baqdaadi, inkastoo Mahad Cawad codad fara badan oo aan la fileyn helay.
LA SOCO NATIIJADA…