Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Afar siyaabood oo Doorashada Kenya ay saameyn ugu yeelan karto Xaaladda Soomaaliya

    Afar siyaabood oo Doorashada Kenya ay saameyn ugu yeelan karto Xaaladda Soomaaliya

    August 8, 2017Updated:August 8, 20174 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah oo waddaaga xudduud dheer oo bad, dhul iyo hawo intuba isugu jirta, waxa ka dhaxeeya dano ganacsi, kuwa amni iyo waliba kuwa shucuub oo xadka labadiisa dhinac ku kala nool.

    Kenya waxaa ka dhacaysa doorasho, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan rabshado, haddaba waxa aan qormadan ku eegeynaa saamaynta ay Soomaaliya ku yeelan karto doorashada Kenya.

    Saamaynta Amniga

    Doorashada waddanka Kenya ayay Soomaali badan rumeysan yihiiin inay saamayn kala duwan ku yeelan karto Soomaaliya.

    Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan ciidamo ah, kuwaasi oo ka tirsan ciidamada nabad illaalinta Midoowga Afrika.

    Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka NASA ahna murashax u tartamaya xilka madaxweynanimo ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in haddii u xilka madaxweynaninimo ku guuleysto uu si qorsheysan ciidamada Kenya uga soo saari doono Soomaaliya.

    Kenya waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ku leedahay dajinta qorshayaasha arrimaha amniga ee Soomaaliya marka laga hadlayo Midoowga Afrika.

    Ciidamada AMISOM iyo dadka kale ee ka shaqeeya arrimaha amniga ee Soomaaliya waxa ay inta badan saanadda oga soo degaan dekada Mombasa.

    Codbixiyayaasha xaafadda Islii ee oo safaf dhaadheer ku jira
    Qaadka Kenya ka baxa
     Qaadka Kenya ka baxa

    Xiriirka Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya

    Marka laga hadlayo ganacsiga ka dhexeeya labada waddan, durba waxa maskaxdaada ku soo dhacaya qaadka oo ah badeecada ugu badan ee ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya.

    Ku dhawaad labaatan diyaaradood oo sida qaadka ayaa maalin kasta taga Soomaaliya halkaasoo Kenya ay ka hesho boqolaal kun oo doolar maalintii.

    Ganacsatada Soomaalida ee iyagu laftooda macaash badan ka sameeya ganacsiga qaadka ayaa isha ku haya doorashada Kenya maadaamaa baqdin laga qabo in ay rabshado ka dhacaan Kenya haddii lagu murmo natiijada doorashada.

    Ganacsade Cabullahi Afrax Siyaad ayaa sheegay in ganacsiga qaadka ay ku tiirsanyihiin kumannaan Soomaali ah sidaad daraadeedna ay u filayaan in doorashada Kenya ay si nabad ah ku dhacdo.

    “Annaga Soomaali ahaan iyo Kenya waxa naga dhexeeya ganacsi aad u weyn oo ah kan qaadka, haddii dawladnimada Kenya ay burburto waxa baaba’aya dad badan oo ganacsato ah, Muqdisho ha joogaan ama Nairobi ha joogaan oo ay noloshoodu ku tiirsantahay ka ganacsiga qaadka, sidaa aawadeed waxaan u rajaynaynaa in si nabad ah doorashadu ugu dhacdo doorashada ” ayuu yiri ganacsade Cabullahi Afrax.

    Qaadka oo kaliya ma ahan ganacsiga labada dal ka dhaxeeya, Nairobi waxa ay xarun u tahay ama marin u tahay ganacsato badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo sii mara marka ay safarada ganacsiga dibada u socdaan, ama xitaa ganacsigooda uu si toos ah ugu xiranyahay Kenya.

    Duulimaadyada ugu badan ee Soomaaliya dibada oga yimaada ama ka aada waxa ay u duulaan dalka Kenya, iyada oo heshiis iskaashi ah oo dhexmaray labada dowladood uu kaalin weyn kaga jirey qodob ku saabsan duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

    Prof Maxamad Macalin Cumar Mayre oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika oo BBC-da la hadashay ayaa yiri “Doorashada Kenya way saamaynaysaa Soomaaliya, Kenya waa udub dhexeedka waddamada Bariga Afrika, Kenya waxa ay ku taalaa meel istaraatiiji ah, waxay leedahay deked weyn oo waddamadan isku xirta, waxay ka tirsantahay urur goboleedyo gobolka ka jira marka isbadal kasta oo ka dhaca wuu saameynayaa Soomaaliya”.

    Siyaasadda

    Kenya waxa ay kaalin muuqata ku lahayd dhismaha dawladda federaalka Soomaaliya waxayna dalkeeda ku qabatay shirkii dib u heshiisiinta ee sannadkii 2004-tii lagu dhisey dowladdii ugu horeysey oo federaal ah, taasi oo madaxweyne loogu doortey marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

    Dowladda Federaalka ayaa Kenya u qirsan kaalinteeda xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ka hadlay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo yiri “Dawladda federaalka waxa ay soo dhawaynaysaa mar walba in doorashadaas dalka Kenya ay si nabad ah ku dhacdo, noqoto mid shacabka dalkaasi u horseeda nabad, annaga dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawladda Kenya xiriir wanaagsan baa naga dhexeeya, xiriirkaasna inuu horey u sii socdo oo labada dal iyo labada shacab oo aan kala maarmin la sii hormariyo oo dhan walba”.

    Haddii qalqal amni iyo mid siyaasadeed uu ka dhoco Kenya waxa ay u saamaynaysaa sidii ay Kenya saamaynta u dareentey markii dowladdii Soomaaliya ay dhacday sanadkii 1991-dii.

    Maxaa laga baran karaa doorashada Kenya?

    Soomaaliya sanadka 2020 waxa lagu wadaa inay ka dhacdo doorasho qof iyo codkii ah, haddii doorashada Kenya ay ku dhamaato si nabdoon waxaa jiri doona casharo muhiim ah oo laga baran karo sida uu sharaxayo markale Prof. Maxamed Macalin Mayre.

    “Waxa xusid mudan in Soomaaliya 2020ka ay u diyaar garoobayso doorasho cod iyo qof ah, waxaa la ansixiyay nidaamka axsaabta, diawaan galinta axsaabta ayaa bilaabanaysa, Soomaaliya cibro qaadasho ayay u tahay doorashada Kenya ka dhacaysa 2017ka, Soomaaliya waxay rajaynaysaa inay noqoto sida Kenya oo kale xagga dimoqaraadiyada, Kenya waxa gumeystay dawladda Ingiriiska oo aad iyo aad ugu ololeysa dimoqaraadiyada” ayuu yiri Prof Maxamed.

    W/Q: Ibrahim Aden

    Kenya Kenya Election Raila Odinga Somalia Top Uhuru Kenyatta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin ku saabsan qasaaraha Dab xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha
    Next Article FARMAAJOOW MA SIDAAN BAAD NOQOTAY?: Waa dhacdo Musuq ah oo qabsatay Muwaadin !

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo