Afar Xisbi siyaasadeed oo ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa soo saaray Qoraal ay uga hadlayaan xaaladda Amni darro ee dalka iyo gadoodka ciidamada Milateriga.
Qoraalka oo wadajir uga soo baxay xisbiyada Himillo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, UPD oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, Wadajir oo uu hoggaamiye u yahay C/raxmaan C/shakuur iyo Ileys oo uu guddoomiya ka yahay xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa loogu baaqay dowladda inay la timaado istiraatiijiyad amni, xuquuqdoodana ka siiyo ciidamada Amniga.
HOOS KA AKHRISO

