Isbedello siyaasadeed iyo xaalad kala duwan ayaa kasoo cusboonaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud iyo maamulka Galmudug, kadib markii uu soo baxay qorshaha wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ku tegayo magaaladaasi.
Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo isbaheysi siyaasadeed la leh madaxda Ahlu suna ee ka mid noqday maamulka Galmudug ee kala qeybsan ayaa waday olole uu ku doonayo inuu hor istaago qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee ku saabsan inay Doorasho ka dhacay Galmudug bisha July ee sanadkan, waxaase arrintan isku aragti ka noqon waayey madaxda Ahlu suna iyo Xaaf.
Shirar aan loo kala kicin 48-kii saacadood ee ugu danbeeyay ayaa lagu guuleysan waayey inay isku aragti noqdaan madaxweyne Xaaf, madaxda sare ee Ahlu suna Macalin Maxamuud iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana Xaaf uu dareemay inuu jiro wadahadal iyo heshiis hoose oo u socda dowladda Federaalka iyo Ahlu suna.
Xaaf ayaa isku dayey inuu maanta is hor taago wafdiga wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye, wuxuuna iska soo daba saaray amarro kala duwan, isagoo ciidamadiisa u diray garoonka magaalada Dhuusamareeb, laakiin arrimahaasi oo dhan waxay ka socon waayeen madaxda Ahlu suna oo ciidamadii Xaaf ka saaray, garoonka isla markaana soo dhoweeyay wafdigii Wasiir Sabriye oo caawa ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya inuu shir gaara oo xasaasi ah u socdo Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya iyo madaxda Ahlu suna sida Macalin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana shirkaasi aan qeyb ka ahayn Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xarunta Gobolka ku sugan.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ahlu suna ay ballantii uga baxday madaxweyne Xaaf, iyadoo qaar ka mida xildhibaannada federaalka iyo kuwa Galmudug ee kasoo jeeda degaanadasi ay ku doodayaan in Xaaf uu la kulmay afgembi siyaasadeed oo salka ku haya heshiis hoose oo u socda madaxda Ahlu suna iyo dowladda Federaalka.
Wadahadalka Wasiir Sabriye iyo madaxda Ahlu suna ayaan la ogeyn waxa kasoo bixi doona iyo in madaxweyne Xaaf lagu guuleysan doono inuu qeyb ka noqdo, taasoo lagu kala ogaan doono in dowladda Federaalka ay sii kaal qeybisay qeybtii Galmudug ee Dhuusamareeb iyo inay wado heshiisiin guud.