Afhayeenka guud ee Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Sheekh Cali Dheere) ayaa farriin cod ah oo digniin ah usoo duubay dhammaan dadka ku howlan Doorashada Dadban ee dowladda Federaalka.
Farriinta Sheekh Cali Dheere oo ay baahiyeen Warbaahinta Alshabaab ayaa socotay in ka badan 40 daqiiqo, wuxuuna uga hadlay 4 qodob, isagoo faahfaahin ka biiyey Ujeedka Alshababa u dagaalameyso, ujeedka dalalka Beesha caalamka ka leeyihiin Soomaaliya, waxay ka doonayaan dadka Soomaaliga ah iyo digniinta Doorashada.
Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay la doodaan haddii ay jiraan culimo dood ka qabta manhajkooda iyo sida ay ku socdaan inuusan saxneyn, ayna ku kala baxayaan diinta islaamka.
“Waxaan dadka uga digaynaa inay safka Gaallada taageeraan, waxaan si gaara uga digeynaa dadka qandaraasyada ka qaata Gaallada, waxaan ka digeynaa in lagu lug yeesho Doorashada Murtadiinta, wasiiradooda, Baarlamaanadooda, madaxweynayaashooda iyo maamul Goboleedyada ama dowladda, ciddii ku lug yeelata waxay gashay safka caddowga, wixii soo gaarana iyada ayaa kasbatay..” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Odayaasha ayuu si toos ugu digay Odayaasha dhaqanka, isagoo u sheegay inay mari doonaan wadaddii odayaashii hore ee sida uu yiri Seefta Alshabaab ku baxay, isagoo u sheegay inay ku cibro qaataan kuwii hore.
Wuxuu digniin kale u jeediyey Beelaha Soomaaliyeed, isagoo uga digay inay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Alshabaab oo laga horkeeno, haddii aysan ka waantoobinna tallaabo laga qaadi doono.
