Afhayeenka shirka Cadaado ee maamul u sameynta Gobolada dhexe ayaa u jawaabay maamul Goboleedka Puntland oo sheegtay in shirkaasi ku socdo wado khaldan, isla markaana ay ka dhalan karto colaad sokeeye.
Sheekh Cumar Cali Roobe oo ah afhayeenka shirka Cadaado ayaa sheegay in Puntland aysan waxba ka quseyn shirka ka socda Cadaado, isla markaana aanay jirin ergo ka socoto Puntland oo shirka ka qeyb galeysa, wuxuuna intaas ku daray in Puntland cabashadeeda ay tahay arrin iyada u gaar ah oo aanay fahmi karin.
Afhayeenka ayaa sheegay in arrimaha ku saabsan xuduudaha ay yeelanayaan maamulada dalka ka jira ay u xil saaran yihiin Guddiga Qaranka ee xuduudaha, iyaguna ay xalin doonaan isagoo ku dooday in khilaafaadyo noocaas oo kale ah ay ka jiraan Banaadir iyo Koonfur Galbeed ama K/Galbeed iyo Jubba.
Dhinaca kale afhayeenka shirka Cadaado ayaa xaqiijiyay in soo xulidda baarlamaanka maamulka cusub ee GALMUDUG uu marayo heer gabagabo ah, isla markaana dhowaan la isu keeni doono shirkuna u gudbi doono wejiga saddexaad.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]