Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Abdiweli ayaa dowladda Soomaaliya uga qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha ammaanka iyo la-dagaalanka argagixisada oo ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Shirkan oo ah sanadle diiradda lagu saaro arrimaha ammaanka qaarada Afrika waxaa aalaaba ka qeybgala mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ku xeeldheer sida saraakiisha ciidmada iyo arrimaha sirdoonka qaabilsan, waxaana ka sokow Afhayeenka xukuumadda ka qeyb galaya wakiil ka socda Puntland oo lagu magacaabo Mohamed Cabdulle Muuse, saraakiil sare oo Afrikaan ah iyo madax ka tirsan wasaaradaha ammaanka qaabilsan sida gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha.
[ad name=”HTML-2″]
Afhayeen Ridwaan ayaa hadda ku sugan London si uu uga qeybgalo shirkaas oo soconaya 4-5 Febraayo 2015. Waxaa xusid mudan in warbaahinta qaarkeed ay qortay FADEEXAD AH inuu shirkaasi ka qeybgalayo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) taasoo ah arrin aan jirin. Sanbaloolshe wuxuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho isagoo olole ugu jira dhismaha xukuumada cusub oo uu rajo weyn ka qabo inuu ka mid noqdo.
Website shirkan (2ND ANNUAL AFRICA SECURITY & COUNTER-TERRORISM SUMMIT 2015) ee uu kusoo baxay magaca wasiirka Amniga Soomaaliya waxay ahayd mid hore loo diyaariyay intii shirka la qabanqaabinayay oo ku beegneyd intii uu wasiirka ku magacawnaa Md. Sanbaloolshe.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]