Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay ee Kalfadhiga 6-aad, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu shaaciyey ajendayaasha laga haldlayo oo si weyn loola yaabay.
Qoraal kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku sheegay farriimaha loo diray xildhibaannada in ajendaha kulanka ayka mid yihiin: hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1-aad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka iyo midka dabiiciga ah.
Qaar ka mida xildhibaannada ayaa ajendaha kulanka ku tilmaamay wax laga yaqyaqsoodo, iyagoo sheegay inaan lo fadhin xilligan in laga hadlo ‘HIDDO DHAQAMEEDKA AAN MUUQAN IYO MIDKA DABIICIGA AH’ iyadoo dalka uu ku jiro xaalad adag oo Kenya ay dhinac waliba uga soo duushay, ayna kala taagan yihiin dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada.
Xildhibaan Cabdi Shire Cayaarjecel ayaa sheegay inay jiraan xildhibaanno is abaabulay oo doonaya inay wax ka bedeleen ajandaha ay sheegeen inaan loo joogin, wuxuuna Baarlamaanka ku tilmaamay mid ku milmay xukuumadda oo heyn wax shaqo ah, isla markaana uu xaal u dirayo Baaralmaankii hore ee 9aad..