Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray amar lama filaan ah oo uu shaqada uga joojiyay hay’adaha maamul Goboleedka Galmudug.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Guuleed ayaa lagu sheegay in dhammaan hay’adaha maamul Goboleedka ay hakiyaan howlahooda inta lagu jiro doorashooyinka Qaran, isla markaana loo gurmado dadka abaareysan.
Qoraalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii Xildhibaanada Galmudug qaarkood loo diiday inay ku shiraan magaalada Cadaado, isla markaana guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo mooshin ka yaallo uu fasax dheeraad ah oo 45 casho ay u jiray xildhibaanada.
HOOS KA AKHRI QORAALKA MADAXWEYNAHA GALMUDUG
Wadani.com