Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: 3-da Qodob ee Gaas & Axmed Madoobe u adeegsadeen Dagaalka ay ku bilaabeen dowladda Federaalka

    AKHRISO: 3-da Qodob ee Gaas & Axmed Madoobe u adeegsadeen Dagaalka ay ku bilaabeen dowladda Federaalka

    May 9, 20182 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    C/weli Gaas & Axmed Madoobe oo weli diidan qodob la isku mari la'
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo shaac baxay saansaan muujineysa inuu dib u soo noolaaday khilaafkii Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo toddobaadkan ay mar kale qarxiyeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland.

    Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo marar badan ku dooda inaysan wax shido ah u dhaxeyn maamulkiisa iyo dowladda Federaalk ayaa muddo 72 sacadood ah ku qabtay saddex shir jaraa’id iyo khubad jeedin isugu jira oo uu si toos ah ugu weerarray dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo lagu tilmaami jiray inuu u dhow yahay dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay si toos ah u weerarray hab dhaqanka madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo waliba ay kasoo yeereen ereyadii ugu kululaa ee uu ku halgaado dowladda Nabad iyo Nolol.

    C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay wadaaagaan arrimaha soo socda:

    1. Labada madaxweyne ee C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay wadaagaan inay wada tageen dalka Imaaraadka Carabta oo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya uu si weyn u xumaaday, iyagoo dhinaca kale ka horjeeda kaalinta dowladda Qatar ku leedahay  dowlada Federaalka Soomaaliya.

    2. Gaas iyo Madoobe waxay dowladda Federaalka ku heystaan inaysan dhaqaale fiican ka helin maamuladooda, iyadoo C/weli Gaas uu si cad u sheegay in mashaariicdii dowladda Qatar ku deeqday oo dhamaa 200 Milyan Doolar, lagu koobay Afgooye iyo Jowhar. Axmed Madoobe isagu wuxuu ku celceliyay inaysan dowladda ka helin wax dhaqaale ah oo dhaafsiiyay mushaar ciidamada, culeyskuna ku dhacayo maamuladooda.

    3. Maamullada Puntland iyo Jubbaland waa labada maamul ee gacanta ku haya hanti Qaran, isla markaana ka hela dhaqaale aan cidna kula xisaabtamin, waa dekadaha Boosaaso iyo Kismaayo oo aan soo dhaafin maamulladaasi.

    Gabagabadii waxaa muuqata xiriirka Maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka inuu mar kale madaxa la gelayo khilaaf siyaasadeed oo markan aan la ogeyn halka uu ku dhammaan doono, iyadoo ay saameyn ku leeyihiin dalalka Imaaraadka iyo Qatar.

     

    Axmed Madoobe Gaas Jubbaland Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Warbixin Xasaasi ah oo ku saabsan Howlgallada Daacish ee ka dhacay Muqdisho & Soomaaliya
    Next Article FAAQIDAAD: 100-kii Maalmood ee ugu horeysay Guddoomiye Yariisow & Maamulka G/Banaadir [Qormooyin Taxane ah]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo