Rakaab ay diyaarad ka qaaday magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Nairobi ayaa xaalad la yaab leh ku qabsaday garoonka lagu hakado ee Wajeer, Waqooyi Bari Kenya.
Diyaaradda oo ay la socdaan qaar ka mida wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ay ku degtay Garoonka Wajeer waxaa la waayay mid ka mida rakaabkii diyaaradda saarnaa oo boorso uu watay diyaaradda saarneyd magaciisana ku jiray rakaabka diyaaradda ka raacay garoonka Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mid ahaa rakaabkii diayaradda, waxaana dhacday kadib markii muddo afar saacadood ka badan lagu hayay garoonka, baaritaan dheerna la waayay qofkiim in safarkeedii ay dib u wadatay diyaaradda.
HOOS KA AKHRI QORAAL UU WASIIR DAALLO SOO DHIRGAY BARTIISA FB.
Nairobi wey dheertahy weyna dhowdahy hadba waa sidii lagaaga dhigo.
Waxaan galney safar gaaban aniga iyo saxiibkeey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Mohamed Salaad Safarkaas waxuu ahaa mid taariikhi waxaana naga yaabiyey wakhti badana naga qaatey qof ka mid ahaa dadkii lagu tirinaayey inuu Dayaarada kasoo raacey Muqdisho hadana Wajeer markii la yimit la waayey taas waxaa ka daran qofkii Boorsadiisa Dayaarada ayey saaranthy taas waxeey keentey dadkii dayaarada saarna in hal hal qof loo baaro loo yeeriyo lasoo dejiyo la saaro hadana lasoo dejiyo la saaro 4 saacadood saf iyo baaritaan ku jir ciidan waxii Wajeer joogey waxii Eey Joogey Dayaarada ayaa lagu baarey hadana waa la waayey ruuxii la raadinaayey bal adigaba sheeg meesha uu aadey qofkaas.
Wadani.com