Hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax ayaa qoraal uu soo saaray 12-kii bishan April maanta shaaciyay ayuu ku idifaacay agaasimayaasha dacwadu ku socoto ee Wasaaradda Warfaafinta.
Hanti dhowrka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in baaritaan ay kiiskan ku hayeen ay suuragal u noqon weyday markii labada agaasime ee xilalka laga qaaday, lana soo eedeeyay lagu amray inaysan geli karin xafiisyada.
Dr. Nuur Faara wuxuu ku dooday in wixii la baari lahaa la isku horgudbay kadib markii labada agaasime ay sheegeen in dokumentiyada ay yaallaan wasaaradda, wasaaradiina loo diiday inay tagaan.
Arrintan ayaa muuqata in hanti dhowrka uu taageerayo agaasimaha guud ee Wasaaradda C/risaaq Bahlaawi, isagoo hore ugu sheegay wasiirka inuusan isaga ku wareejiyo kiiska oo ay shaqadiisa tahay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA HANTI DHOWRKA
Wadani.com